Dagaal ka dhacay Tukaraq & Wararkii u dambeeyey

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in goor dhaw rasaas xoog leh laga maqlayo deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo maamulka Somaliland, ka dib markii ay labada dhinac Ilaalo sahan ah is heshay.

Wararku waxay sheegayaan in ay jiraan khasaare ka dhashay, balse ilaa hadda lamahayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sidda ay wax u kala gaareen.

Qof Goobjooge ah ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in ay maqlayeen hubka culus, sidaas oo kalena ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ay maalmihii u dambeeyey wadeen labada dhinac.

9 bilood ayay is horfadhiyaan ciidamada labada maamul, waxaana dhawaan hanjabaado ka soo baxay dhinaca Somaliland ay sheegeen in ay tagayaan xaduudahooda, taas oo loo arkay bar bilowga dagaal kale, halka dhinaca Puntland ay wali sheegayso in ay difaacayso deegaanadeeda, kuna soo wajahan tahay doorasho Madaxweyne iyo baarlamaan.

FAAHFAAHINTA WARKAN KALA SOCO

Leave a Comment