WAR DEG DEG AH: Labo qof oo lagu dilay Boosaaso iyo xog kasoo baxaysa

Boosaaso labo nin ayaa goordhoweydto lagu dilay aaga Huurse-2, kooxdii dilka geystay ayaa baxsaday.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa noo xaqiijiyey dilka, balse weli si rasmi ah uma aysan shaacin magacyada labada nin.

Labad nin ee la dilay mid ka mid ah ayaa macallim ka ahaa Iskuulka Towfiiq ee ku yaalla aaga Raxma, magaaladda Boosaaso.

Laamaha Ammaanka ayaa u muuqda kuwa aan kufeejigneyn ficilada kooxahan, balse qaarkood ku jira arrimo kale.

2 Comments

  1. Haliye says:

    Maxay yihiin arimaha kale ay ku jiraan laamaha waanku, miyaadan ogayn in 2 sano mushahar la’aan yihiin oo kala tageen, isbedelkii Gaas balan qaaday dheh.
    Idinku khaladka GAAS ma sheegtaan ee amaan been ah baad samaysaan.
    Waxaad ka dheeftaan baad leedihiin.
    NIN KII DHULKIISA CAASIYA OO DACAYA MEEL XUN BUU KU DANBEEYAA.

  2. mohmud Ali says:

    Haliye walaal jaceyka aad u qabto ciidenka iyo shacabka puntland waan ku farax sanahay..lakiin waxaad ogaataa in puntland eenay gaarin meeshii lala rabay,,taas waxaa keeney siyaasiyiinta puntland ka soo jeeda gaas kaliya kama taliyo puntlamd aaway baarlamaaka isimada iyo shacabkii aan garaney sida loola xisaabtamo madaxda..waxaa la garan la yahay yaa hayo mushaarka ciidanka yaa ugu horreeyo oo helo mushharka..aniga sida aan u akro iyo fikirkeyga waa in uu ciidenka qaato mushaarka laga bixiyo puntland,,,aqligaas baa ka baqan puntland waana hurmarka ugu fiican oo ka horreeya hurmar kaasta,,,taas aan ku doodno,,,,deked iyo jid la dhiso wax mataraan hadii eyna nabad ka jirin puntland,,,

Leave a Comment