M/weynaha Puntland oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii G Nugaal, magacaabayna

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw ku dhawaaqay wareegtada xil ka qaadista Gudoomiyihii hore ee gobalka Nugaal, waxaana xilkaas laga qaaday Col, Cumar Cabdullaahi Fara-weyne, waxaana loo magacaabay Gudoomiye cusub oo lagu magacaabo Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Wareegto ka soo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu qoray siddan.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Leave a Comment