Mid kamid ah Wasiiradda PL oo is casilaya & PTIMES oo heshay Xog xasaasi ah.

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa 22 April 2018 ee sannadkan baahiyey in wasiiro katirsan Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo aan labadii sanno ee u dambeysay la dhacsaneyn siyaasadiisa ay bilaabi doonaan is casiladooda bisha October, ayna kaga harayaan tareenka Xukuumadaas.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyey in ay dhab tahay iscasilaada wasiirka Deegaanka & Isbedelka Cimilada ee Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo mudo soo hayay xilkan, isla markaasna horey uga tirsanaa Xukuumaddii hore ee Puntland.

Dr, Cali Cabdullaahi ayaa is casilaadiisa sabab uga dhigay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin hor istaag lagu sameeyey mashaariic horumarineed oo laga hirgalin lahaa Puntland, ayna garwadeen ka ahayd wasaaraddiisa.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu helay xog cadeynaysa waraaqo is dhaafsan oo ka kala yimi PSAWEN, Guddoonka baarlamaanka oo loo diray Hay’adda Maalgalinta Jarmalka ee GIZ, taas oo kaliftay in la hakiyo mashruucaas.

Leave a Comment