WARBIXIN:- Maxay ka dhigan tahay Booqashada Wasiiro,Saraakiil Madaxtooyo, PHA iyo Isxilqaan kutagayaan Wadada Garowe & Galkacyo.

GAROOWE(P-TIMES)-Wararka ka imaanaya caasumada Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in ay subaxnimadii hore ee saaka kabaxeen halkaas wafdi iskugu jira wasiiro,Saraakiil Madaxtooyada kasocda, Madaxda PHA iyo Shirkadda ISXILQAAN oo horey u qaadatay Qandaraaska dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ujeedada wafdigan oo ay la socdaan wariyayaal ayaa lagu sheegay sidii ay bulshada ula wadaagi lahaayeen xogaha ku saabsan dhismaha wadadan,waxaana ay cadeyn doonan in wadada dhismaheedu socdo.

Wasiiradda iyo Saraakiishan ka socda Madaxtooyada ayaa lafilayaa in ay wariyayaasha kula hadlaan goobtan, waxaana uu qorshuhu yahay in ay beeniyaan warkii kasoo yeeray dawladda Jarmalka.

ISXILQAAN oo ahayd Qandaraas qaatihii Mashruucan ayaa lafilayaa in ay madashaas ka hadlaan, waxaana la hadal hayaa in ay sheegan doonan dhib uga yimi cidii ay la shaqeynayeen, gaar ahaana Hay’adii Shisheeye.

Dawladda Jarmalka oo bixinaysay Lacagta dhismaha wadadan ayaa sheegtay xalay markale in ay joojisay dhismaha wadadan, waxayna cadeysay in uu mashruucan dhintay May2018ka, ka dib markii ay sheegeen in musuqmaasuq iyo wax isdaba marin lagaliyey.

Waji-gabax iyo Fadeexad ayay baraha bulshada iyo Shacabkaba kala kulantay Xukuumadda Puntland,ka dib markii la ogaaday in uu fashilmay mashruucan oo ay baahi weyn u qabeen shacabka Mandiqadu.

Jidkan ayaa ah midka ugu dheer ee isku xira Soomaaliya oo dhan, waxaana mudo dheer la sugayey in mar uun loo helo dibu dayactir, Dadka dhaqaalaha falanqeeya ayaa leh waa Isha kaliya ee Dhaqaale ayna haysatay dawladda Puntland.

70% waxyaabaha kasoo daga Dekedda Boosaaso ayaa Wadadan mara,waxayna u gudbaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay Boosaaso u tahay Il dhaqaale ee wax dhoofinta iyo soo dajinta.

 

4 Comments

  1. Haliye says:

    MA aha in la qaado talaabooyin wax u dhimaya xiriirka Jarmalka iyo PUNTLAND, waa in la saxaa wixii la awoodo.
    Waayo SAFAARADII AYAA KU CELCELISAY OO CADAYSAY IN LA JOOJISAY MASHRUUCII.

  2. Kkk says:

    war wax fiican in aan manto dhan lagu mashqulin waxba joogsaday ee hadii Wax la dhacay koow yaa dhacay qoloda wax dhisesa haday wax dhaceen hala cadeyo hana laga qaado mashruuco oo qolo kale halgu taran tasiyo .

    Lakin hadii jarmalka aysan caden wax la masuq masuqay waa been iyo marmarsiyo la rabo in lagu joohiyo madama dowald waqtiga ka dhamaday bay rabaan in ay madac isku galiyan oo ay lacgata ay bixin lahayen marka horta baryada wax ka fiican in la tuso galada in aan loo bahanen sidii wadanka ku dhis mi jiray lakin ceeb weye in aad gacan hoorsto

  3. Nuur says:

    TUUGTII DHACAY DHAQAALIHII WADADA AYAA ISKU DAYAYA INAY MUUJIYAAN IN SHAQO KA SOCOTO WADADA.
    CAQLI XUMO YAA WAXAA KA DHEGEYSAN.

  4. Cali yare says:

    Dalalka Caalamka ee deeqaha bixiya waxay u malayn shacabka masaakiinta ah ee ay afarta jiho marba mid u jeediyaan ee beenta nafta uga qabteen.

    LACAG DAMBE OO LAYDIIN SOO DAYNAYAA MA JIDHO,AMA KU YAAC MEESHAAD FARAHA KA QAADEEN WAA HORE AMA ISKA DAAYA.
    YAA DAALIMIIN LA BARTAY DIB U AAMINI?.

Leave a Comment