XOG: Wasiirkii hore Arrimaha gudaha DFS Cabdikariim Guuleed wuu ka wadani-sanaa Wasiirka maanta Mr,Islow

24, May 2014, Wasiirkii hore Amniga ee dawladda Faderaalka Abdikarim Hussein Guled ayaa is casilay oo kamid ahaa saaxiibadii Madaxweynihi xiligaas Hassan Sheikh Mohamud sababtuna waxay ahayd qarax lagu weeraray Xarunta baarlamaanka Faderaalka maalinimadaas, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee talaabadaas uu qaaday wasiir Amni oo cadeeyey in uu doorbidayo in shaqadaas qof kale loo dhiibo, bacdamaa uu ku fashilmay.

Bishii July ilaa bishan September 2018, waxaa la weeraray Xarumaha Wasaaraddaha Arrimaha gudaha, Amniga Qaranka, Xarumaha degmooyinka Wadajir, Hoddan & Howlwadaag, qaarkood dabley hubeysan ayaa gudaha u gashay, gaar ahaana xarumaha wasaaraddaha oo ay adag tahay in aad marto jidadka u dhaw.

Maanta oo kaliya Muqdisho 2 qarax ayaa ka dhacay, 24 saac ee lasoo dhaafayna in ka badan 5 qof oo ay ku jiraan Arday jaamacadeed ayaa la dilay, qaarkood ciidamada dawladda ayaa dilka fuliyey.

Haddii 2014-kii Wasiir isku casilay qarax dhacay, maanta ma jirto taasi, Wasiirka Amniga ee maanta Hon. Mohamed Abukar Islow Duale xata masoo qaadin dhacdooyinkan, waana mid kamid ah saaxiibada ugu dhaw RW Kheyre.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Wasiirka koowaad ee Xukuumaddu Hassan Ali Kheyre waxay dadaal ku bixinayaan sidii loo joojin lahaa in baarlamaanka looga yeero, waxna looga weydiiyo ammaanka dalka.

RUNTA, lama jecla laakiin Taariikhdu wey is qoraysaa.

W/QORAY: Farah Abdulkadir Geylan

Leave a Comment