XOG+CADEYMO: PUNTLANDTIMES oo dabagal ku sameysay Mashaariic ay isku haystaan PSAWEN & Wasaaradda Deegaanka, Helayna Macluumaad xasaasi ah?

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu dhawaan daabacay warbixin la xariirta is heysiga dhanka sharciga ah oo u dhaxeeyey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland iyo Hay’adda Biyaha Puntland ee PSAWEN, kuna saabsanaa arrimaha is heysiga arrimaha mashruuc muhiim u ahaa bulshada Puntland ayna dawladda Jarmalku ka hirgalin lahayd gobalada Nugaal & Mudug.

Warsiduhu wuxuu helay markale warqado ay qoreen guddoonka baarlamaanka, Hay’adda PSAWEN, Guddoonka baarlamaankuna ugu markhaati furayo in PSAWEN ay leedahay awooda sameynta biyo-xireenada oo horey wareegto Madaxweyne Gaas qoray lagu cadeynayey in ay leedahay wasaaradda Deegaanku.

Afhayeenka baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa warqad u diray Madaxweynaha Puntland, kuna taariikheysan 17-kii bishan September, wuxuu ku cadeeyey in guddiga joogtada ah ee golaha Wakiiladdu meelmariyey in PSAWEN ay leedahay awooda sameynta biyo-xireenada oo sharciyadu sidaas tahay.

Warqadda oo lagu qoray luuqada Englishka ayaa u muuqata mid la doonayey in Hay’adda GIZ loo diro, waxayna gaartay sidda warsiduhu ogaaday dawladda Jarmalka, waxaana cadaatay in markaas uu jiro iskaashi guud oo u dhaxeeyey guddoonka iyo madaxda PSAWEN oo hoos tagta Madaxtooyada Puntland.

Sidaas oo kale warsidaha ayaa helay warqad ay markale qortay PSAWEN oo ku cadeynayso in ay awood u leedahay arrimaha Biyo-xireenada ee ay waday wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimiladu, ayna ku sheeganayso in ay awoodaas mar kale ansixiyeen golaha wasiiradda iyo baarlamaanka Puntland.

 

Email ay PSAWEN u dirtay Hay’adda Maalgashiga ee dawladda Jarmalka waxay ku sheegtay in ogolaansho buuxa ay u haysato arrimahan oo ay sharciyad yihiin, iyadoo warqadeeda ku lifaaqday sharciyadda ogolaanshaheeda.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu helay Email ay hay’adda GIZ oo mashaariicdan fulinaysaa lana saxiixatay wasaaradda deegaanka & Isbedelka Cimilada Aduunka u soo dirtayy qeybaha Puntland, gaar ahaana wasaaradda deegaanka.

Nuqul oo ay heshay Puntlandtimes.com waxaa nuxurkiisu ahaa in Is qabqabsiga sharciyadeed ee Hay’addah dawliga ah Puntland ay ka walaacsan yihiin, gaar ahaana wasaaradda Iyo PSAWEN, waxaana lagu wargaliyey wasaaradda Deegaanka in GIZ ay soo gaartay warqad ka timid hay’adda PSAWEN oo sheegtay in loo ansixiyey mashruucaas fulintiisa.

GIZ waxa ay ku tiri mid kamid ah qoraalkeeda ”inkastoo aan aaminsanahay in sharcigani usan samayn doonin xiriirkeenii wada-shaqayneed haddana waxaan ka cabsi qabnaa in samayn sharci oo mustaqbalka ah ay arintaan yeelato. Madama dhamaan mashaariicda la xiriirta hormarinta biyaha PSAWEN loo ansixiyay”   

GIZ waxay cadeysay in aysan sii wadeyn mashruuca Dhismaha Biyo-Xireenada iyo Waro biyeedyada la xariira tan iyo inta laga dhameynayo arrintan oo ay hakad galisay lacagta hormarinta ah, sidaas oo kalena Wasaaradda Deegaanka loo sheegay in aysan dhajin Qandaraaska u tartanka dhismaha goobahan ”Tan iyo Inta mowqifka Dowladda Puntland kala cadaanayso, ma haysano dookh kale aan ka ahayn inaan dib u dhigno lacagtii horumarinta ahayd ee mashruuca iyo sidoo kale in aan idinka codsano ka wasaarad ahaan in aydaan dhajin wax ogaysiis qandaraas oo mashruucan ah” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Qoraalka ay GIZ u soo dirtay Hay’addaha Puntland waxay kaloo u dirtay Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya, oo ay ka codsatay in ay arrimaha ee ku yimi mashruucan ay go`aan ka soo gaaraan, waxaana lagu yiri qoraalka ”Waxaan Safaaradda Jarmalka ka codsanaynaa in ay arrinta soo fara galiso oo ay Dowlada Puntland iyo wasarada Horumarinta Jarmalkakawada hadlaan arinta mowqifna ka qaataan” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Intii ay Shabakada Puntlandtimes.com waday raadinta macluumaadka la xariira Is khilaafka mashaariicdan ku saabsan waxay ogaatay in Madaxtooyada Puntland, gaar ahaana Xaafiiska Madaxweynuhu arrimahan ku sameeyey faragalin, isla markaasna Nuqul qoraal ah u diray GIZ maanta 23 September 2018, kaas oo lagu cadeynayo in ay awooda sii wadida Mashruucan leedahay Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimilada ayna madaxtooyadu ku taageerayso fulintiisa.

Nuqulka qoraalkan oo aan wali soo gaarin Puntlandtimes.com haddana saraakiil katirsan Madaxtooyada ayaa cadeeyey in nuqul qoraaleedkan uu loo diray Hay’adda maalgalinta Jarmalka ee GIZ oo horey 6dii bishan September 2018, heshiiska ula saxiixatay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo uu saaka is casilay wasiirkeedii.

Darafyadan, dhinacyo ka madax banaan lana socday dhacdooyinka ayaa u xaqiijiyey Warsidaha in loolanka intii uu socday la adeegsaday lacago, kuwaas oo lays ku dayay in ay dhinacyadu iskugu awood sheegtaan, gaar ahaana dhanka baarlamaanka oo uu horyaalay Xeerka Maareynta Biyaha Puntland, kaas oo ay isku hayeen labada dhinac ee PSAWEN iyo Wasaaradda Deegaanka.

Is heysiga ka sokow ma dhamaan khilaafka labada dhinac u dhaxeeya, waxaana sharciyad ahaan ay tahay markale in ay arrintan galaan baarlamaanka soo socda ee Puntland, iyadoo guddiga Joogtada ah ay hadda si KMG ah u meelmariyeen sharciga Biyaha Puntland oo garab siinaya PSAWEN, xili horey wasaaradda Deegaanku Cabashadeeda ugu gudbisay golaha wakiilada.

Ugu dambeyntii Is jiid-jiidkan ayaa kalifay in uu is casilo Wasiirkii Deegaanka & Isbedelada Cimilada Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo cadeeyey in shaqadii wasaaraddiisa la furfurtay, isla markaasna Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu ay garab taageero ah siiyeen PSAWEN oo uu sheegay in lasiiyey qeyb ka mid ah shaqadii Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Leave a Comment