AKHRISO: Ganacsade Daahir Ayaanle oo loo doortay Kursiga Xildhibaan ee Baarlamanka Puntland

BOOSAASO(P-TIMES) – Waxgaradka guud ee beelaha Muuse Suldaan, Ismaaciil Suldaan iyo Guuleed Cumar ee beesha Cismaan Maxamuud ayaa isku raacay in Ganacsade Daahir Ayaanle Siciid uu noqdo Xildhibaanka u matala Beesha Kursiga Golaha Wakiilada Puntland ee 2019.
Waxgaradka oo shir uga furmay 30/09/2018 magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa si rasmi ah ugu codeeyay booskan in uu noqdo cida u matalaysa baarlamaanka Puntland Mudane Daahir Ayaanle Siciid, waxayna kula dardaarmeen in uu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday.
Shirku intuu socday waxaa la isku raacay in la dhiso guddi odayaal iyo ganacsato isugu jirta kuwaas oo loo xilsaaray sidii ay u raadin lahaayeen xubinta baarlamanka ee sanadka Jifada Muuse suldaan, lagalana Hadlo cidda ay quseyso, waxaana markii lagu guuleystay kadib Beeshu go’aan ku gaareen Cidda mudan Kursigaasi.
Ganacsade Daahir Ayaanle oo kamid ah Ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa beeshiisu u wakiilatay in uu ka mid noqdo mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee hadda xulidoodu ka socoto gobalada kala duwan, doorana doona madaxda cusub ee Puntland bilowga sannadka 2019-ka.
Isimadda iyo waxgaradka ayaa sheegay in ay Puntland u baahan tahay in waqtigan loo diro cid wax badan ka og marxaladihii lasoo maray, waxaana Daahir uu ka mid ahaa dadkii Hantidooda ku aaminay Gudaha wadanka, islamarkaana ka sameeeyay Ganacsiyo Kala duwan oo Bulshada wax badan u taray.
Ganacsadaha ayaa Ansixintiisa kadib u mahad celiyey Odayaasha, waxgaradka iyo duqowda dhaqanka ee u wakiishay in uu waqtigan xasaasiga ah u matalo baarlamaanka Puntland, wuxuuna sheegay in uu ka shaqeyn doono maslaxadda guud iyo tan matalaad gaarka ah ee beeshiisu u dirsatay.
Xubnaha Guddiga ee Beesha :
1. Nabadoon Abshir C/raxmaan Caraale (Dhegcas)
2.Nabadoon Siciid Jaamac (Raadio)
3.Nabadoon Cabdi maxamuud Axmed (Diritoor)
4. Nabadoon Maxamed Siciid Maxamed (Waafow)
5. Ganacsade Jaabi Muuse
6. Aqoonyahan Abshir C/qaadir Axmed (Madaxey)
Guddoonka Guud ee Beesh Muuse Suldaan
Suldaan Raage Shiikh maxamuud
Xoghayaha Guddiga C/qaadir Maxamed Dacar.

Leave a Comment