BREAKING NEWS:Roob xoog leh & Dabaylo ku dhuftay Gobalka Gardafuu ee Puntland

BAAR-GAAL(P-TIMES)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Gardafuu, ayaa sheeagay in dabaylo roob wata ay haatan ka bilowdeen xeebta gacanka Gardafu’u ee bariga fog ee Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in dabeylahani ay yihiin kuwo xooggan, Iyadoona Cabsi weyn ay soo wajahday Dadka Deegaanka.

Dadka degaannada ku teedsan xeebta oo aan la hadalnay waxa ay inoo sheegeen in dabaylo iyo roob is-wataa ay ku bilowdeen, balse aysan ilaa iyo hadda wax dhibaato ah geysan.

Waxay intaas raaciyeen in dabaylaha iyo roobku sii xoogaysanayan marba-marka ka dambaysa, Iyadoona ay jirto Cabsi, maadama aysan si weyn u diyaar garoobin.

Dabeylahan Caawa ka bilowday Deegaanada Gobalka Gardafuu, ayaa Ku soo aadaya xilli Maanta Dowladda Puntland ay Digniin u dirtay Shacabka, taas oo Ku aadan Duufaano Ku dhafanaya Deegaanada Bari ee Puntland, Iyadoona ugu baaqday Shacabka inay ka durkaan Dhulka Godan iyo Biyo-mareenada.

Wixii kasoo Kordha kala soco P-TIMES.

One Comment

  1. Abdiweli says:

    Qardafui waxaa la oran jirey ninkii ku caan baxay oraahdii ahayd

    ” jumca jumcatul muslimiin majeerteen maa yasaafur ”

    Reer Qardafui waxaan illahey uga baryayaa in sharka duufaanahaas ka badbaadiyo

Leave a Comment