Ciidamadii ugu badnaa oo lagu daadinayo qaybaha kala duwan ee caasimada & Dilalka shacabka oo…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu kordhiyay ciidamo cusub oo boolis ah sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Xarun walba oo ka tirsan waaxyaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la geeyay ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo si gaar ah uga hawlgali doona xilliyada habeenkii ah.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen ujeedada ciidamadan loo hawlgeliyay in ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhaca iyo boobka budhcada hubeysan ay u gaysanayaan shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo todobaadkan bilowgiisa la hawlgeliyay ayaa waxa ay xilliyada habeenkii ah sameeyaan hawlgalo baadhitaano ah, waxaana qorshaha uu yahay in lagu kordhiyo ciidamo kale si loo xaqiijiyo amaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa dhibaatooyin kala duwan oo mararka qaar dil sababa waxa ay kala kulmaan budhcad hubaysan, kuwaas oo ku hubaysan bastoolado iyo qoryaha AK-47 islamarkaasna wata mootooyinka Bajaajta iyo kuwa labada lugood leh.

Leave a Comment