Ciidamo Ajaaniib ah oo qaraxyo kala duwan lagula eegtay duleedka Baladweyne & Khasaaraha oo….

MUQDISHO(P-TIMES)- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax miino oo lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 35-Km dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Buula-burde ciidamo ka tirsan kuwa dalka Jabtuuti.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uu qaybta hore ka bur buriyay gaadhi gaashaaman oo ay ku xidhnaayeen qalabka miinooyinka baadha.

Dhinaca kale qarax jugtiisa laga maqlay inta badan deegaanada hoos taga degmada Jalalaqsi ayaa shalay gelinkii dambe ciidamo Itoobiyaan ah lagula beegsaday wadada laamiga ah.

Goob joogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxan uu bur buriyey gaadhi Uuraal ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada qaraxyadan lala eegtay ayaa waxaa la sheegay in xalay ay ku hoydeen wadada laamiga ah gaar ahaan inta u dhaxaysa deegaanada Jimbileey iyo Buur weyn.

Ururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadaasi ayaa waxa ay tilmaameen in ay khasaare gaadhsiiyeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya, isla markaasna ay bur buriyeen gaadiid dagaal.

Leave a Comment