DAAWO: Musharax Jen, Shaale oo kulan casho sharaf ah u qabtay Waxgaradka & Jeneraalo ciidan kuna qabtay Garoowe

GAROOWE(P-TIMES) – Musharax Jen Maxamed Axmed Jaamac (Shaale) oo kamid ah musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ayaa kulan casho sharaf ah ugu qabtay magaalada Garoowe, Isimo, waxgaradka, Siyaasiin iyo Jeneraalo ciidan, waxaana intii uu socday kulanka looga hadlay arrimaha uu qaban doono Musharaxu.

Jen, Shaale oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey Isimadda, Waxgaradka iyo Jeneraalo meel sare ka gaaray hoggaaminta ciidamada oo madasha lagu casumay, waxaana uu sheegay in uu wax badan ka qaban doono Ammaanka, Dibu heshiisiinta, Horumarka iyo sidii Puntland u noqon lahayd muraayad qof kasta isku fiirin karro.

Musharaxu wuxuu sheegay in xaaladda gobalka Sool, haddii xal nabdeed lagu waayo ay noqonayso in ay dawladdiisu u isticmaasho arrimaha Milateri, waxaana xiligas madasha kusugnaa Isimadda, Jeneraalo iyo waxgarad kala duwan.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Jen, Cabdisamad Cali Shire oo madasha ka hadlay ayaa bogadiyey musharaxan, waxaana uu sheegay in waqtigii Jeneraaladu hogaamin lahaayen Puntland la gaaray, bacdamaa ay mudo dheer hogaamiyal Shacab ah soo hogaamiyeen dawladdnimada ah.

Isimo iyo waxgarad kala duwan oo hadlay ayaa bogaadiyey talaabooyinka musharaxan, waxayna sheegeen in ay tahay waqtigii hogaaminta lagu aamini lahaa Taliye ciidan, maadaama ay jiraan arrimo badan oo ka taagan deegaanadaas.

Leave a Comment