DAAWO: Puntland oo jawaab adag ka bixisay Hanjabaadii kasoo yeertay Somaliland, cadeysayna in ay diyaar u tahay…

GAROOWE(P-TIMES) – Puntland ayaa si adag uga jawaabtay war ka soo yeeray Somaliland oo maanta sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday oo ay weerar ku qaadayaan ciidamada Puntland ee kusugan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, oo ay labada dhinac isku horfadhiyeen 10-kii bilood ee lasoo dhaafay…HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO.

Taliyaha ciidamada Keydka Puntland Col, Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay Puntland diyaar iyo heeganba u tahay sidii ay u difaaci lahayd dhulkeeda, wuxuuna sheegay in laga xoreyn doono Somaliland meelaha ay kaga sugan yihiin deegaanada mandiqada.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO.

Col, Faraweyne ayaa sheegay in hanjabaadaha iyo wararka is burinaya ee maamulka Somaliland ay noqon doonaan kuwa looga jawaabayo in lasoo xiro xaduudaha Puntland.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO.

One Comment

  1. Sulaiman says:

    Walle ninkaani waa iska hadlay
    Beenlow goorma wax la xorayn wakhtiba uma harin xukuumada gaase.
    Wuxu fulinayaa olola doorasho oo gaas isku faanin iyo halkanaan weerarnay iyo xuduud soo xiraynaa.
    Waa hadalkii Somaliland oo sidiisii ah oo copy lagu sameeyay.
    WAKHTIGAAN CID DAGAAL U JEEDO MA JIRTO HORAA WAX LOO XOREEN LAHAA.
    HOGAAMIYAHA CUSUB EE IMAAN DOONA GAAS DABADIIS LAGA SUGIN XOREENTA DHULKA MAQAN.

Leave a Comment