DAAWO: Xaafiiska Xeer Ilaalinta Puntland & Hay’adda IOM oo soo bandhigay Xeerka Daabulka & Ka Ganacsiga Dadka.

GAROOWE(P-TIMES) – Xaafiiska Xeer Ilaalinta dawladda Puntland oo kaashanaya Hay’adda IOM ayaa magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ku soo bandhigay Xeerka Daabulka iyo Ka Ganacsiga Dadka, waxaana kasoo qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland CabdiXakiim Xaaji Cumar Camay, Wasiiradda Warfaafinta, Amniga, Cadaaladda, Haweenka, Xaafiiska Xaquuqul Insaanka, bulshada rayidka ah iyo marti sharaf lagu casumay.

Xeerkan ayay baarlamaanka Puntland ansixiyeen 19-kii Bishii November sannadkii 2017-ka, waxaana si rasmi ah maanta dhaqangalkiisa loogu daahfuray Magaalada Garowe, gaar ahaana xarunta PDRC.

Xeerka ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhiya Shacabka Puntland, waxaana mudnaantiisa iyo marxaladihii uu soo maray faahfaahin ka bixiyey qaar kamid ah Madaxdii kulanka kasoo qeybgashay, gaar ahaana Xeer Ilaalinta & Hay’adda IOM Saraakiil ka socotay.

Madaxda Xeer Ilaalinta Puntland ayaa kusifeeyey talaabada hirgalinta mid mudo dheer loo baahnaa, waxayna uga mahad celiyeen cid kasta oo gacan ka geysatay, gaar ahaana Hay’adda IOM oo door ka qaadatay sameyntiisa.

Xaafiiska Xaquuqul Insaanka Puntland ayaa sheegay in doorka uga aadan xeerkan u ahaa in la helo u qareemid dadka inta badan la qabto ee laga ganacsaneyey, waxayna madaxdiisu bogaadiyeen talaabada la qaaday.

Wasiiradda Wasaaradda Cadaaladda & Haweenka ayaa sheegay in looga baahan yahay dhinacyada oo dhan in dhaqangal laga dhigo xeerka, si guud ahaanba baahida bulshada u qabto ay meesha uga baxdo loona helo xeer lagula dagaalamo ka ganacsiga dadka.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna Sii hayaha xilka Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka go`an tahay Xukuumadooda in lala dagaalamo cid kasta oo wada ka ganacsiga Ummadda, wuxuuna soo qaaday arrimaha Tahriibka oo ah halis fara badan oo Xeerkan uu wax badan ka qaban doono.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa digniin u diray dadka wada ka Ganacsiga iyo daabulka dadka oo uu sheegay in ay dambi gacanta kula jiraan, maanta la meelmariyey xeerkii lagu ciqaabi lahaa loona baahan yahay in ay Hay’addaha dawladda oo dhan fuliyaan.

Leave a Comment