DAAWO:Ciidamada PSF oo Toban Kun oo Dollar ugu deeqay cisbitaalka Qardho

QARDHO(P-TIMES)- Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha cisbitaalka Qardho ayna kasoo qayb galeen maaamulka degmada Qardho, kan gobolka Kar Kaar, xildhibaano, odayaasha dhaqanka, agaasimaha guud ee cisbitaalka Qardho iyo saraakiil ka socotay ciidamada difaaca Puntland ee PSF ayaa loogu deeqay cisbitaalka Qardho lacag dhan 10 Kun oo Dollar, taas oo ciidamadu ugu tala galeen in loogu dhamaystiro cisbitaalka baahiyaha taagan gaar ahaan dayactir lagu samaynayo qayb kamid ah cisbitaalka Qardho.

Cornel Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Ilig oo ku hadlayay magaca ciidamada PSF isla markaana wareejinayay deeqdan waxa uu sheegay in markii ay arkeen baahidaan, sidoo kalena loo soo gudbiyay agaasimaha guud ee ciidamada PSF Asad Cismaan Cabdilaahi ay go’aansadeen in ay ka qayb qaataan arimahani.

Odayaasha dhaqanka degmada Qardho oo dhankooda goobta ka hadlay waxay ku amaaneen ciidamada iyo agaasimahooda Asad Cismaan Cabdilaahi sida wanaagsan ee ay guud ahaan gobolada Puntland uga wadaan ka shaqaynta arimaha bulshada, sidoo kale agaasimaha cisbitaalka Qardho Cusmaan Cabdi Awmuuse ayay ku bogaadiyeen sida naf hurinimada leh ee uu ugu taagan yahay horumarinta cisbitaalka iyo masuuliyada uu iska saaray dhismihiisa.

Duqa degmada Qardho Cabdi  Saciid cismaan, gudoomiyaha Gobolka Kar Kaar Cabdilaahi Maxamed Bare iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Muuse oo gaba gabadii ka hadlay munaasabada waxay maamulka cisbitaalka ku bogaadiyeen dadaalada ay wadaan, sidoo kalena waxay ganacsatada iyo dadka wax haysta ugu baaqeen in laga qayb qaato dhamaystirka dhismaha cisbitaalka Qardho oo weli wax badan ay ka dhiman yihiin.

Leave a Comment