AKHRISO: Madaxweyne Xaaf “Farmaajo Iyo Kheyre Waa Warabayaal aan Aqoon Dad Iyo Dal” (Khudbada)

GAROOWE(P-TIMES)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo Khudbad ka Jeedinayay Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa Sheegay in Xaalada Dalku ay gashay Meeshii ugu darneyd Muddo kaddib.

Madaxweyne Xaaf ayaa Sheegay in Lagu tuntay Hanaankii Dowladnimo ee Soomaaliya ka hirgalay Sanadihii ugu dambeeyay, Isagoona ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, waxaana uu Sheegay inuu garan la yahay illaa iyo hadda nooca ay yihiin nimanka Fadhiya Muqdisho.

Waxaa uu Sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay yihiin Rag ku noolaa Qurbo Muddo 30 sano ku dhow oo aysan garaneyn Maamulka Dalka, Isagoona Sheegay inay taas u sii dheer tahay Aqoon dari Dadka iyo Dalka ah oo aysan Dareemeyn Xaalada Dalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa Sheegay in Madaxda DF Soomaaliya ay haatan isku baheysteen Bur-burinta Federaalka oo uu Sheegay inuu yahay Bad-baadiyihii Soomaaliya oo muddo ka dib heshay Sanado ka hor Iftiin Dowladnimo iyo Adeegyada Bulshadu ay gaaraan Shacabka.

Madaxweynaha ayaa Sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre ay sidii Waraabihii weerar kusoo Qaadeen Maamulka Galmudug, oo ah Dowlad Gobaleed Curdan ah, Iyagoo adeegsanaya Dhaqaalihii Qaranka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay Bad-baadsanadaan Dalkood oo ay ku Cayaarayaan Rag Carruurtoodii ay u jiraan Qurbaha aana Aqoon iyo Waayo Aragnimo u laheyn Hoggaaminta Dalka iyo Dadka, una soo Shaqo tagay Duminta Hanaanka Dowladnimo eek a jiray Soomaaliya Sanadihii ugu Dambeeyay.

PUNTLAND TIMES

One Comment

  1. Abdiweli says:

    Waraabaha ayaa laqaataa oo waxuu cuno gaajo ayaa u geysey.

Leave a Comment