WAR DEG DEG AH:Ciidamadii ugu badnaa Puntland oo la wareegay guud ahaanba wadooyinka soo gala Madaxtooyada & Gaadiid dagaal oo…

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu hada ka helayo Qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in guud ahaanba wadooyinka gala Madaxtooyada Puntland iyo Xarumaha Wasaaraddaha ay goor dhoweyd la wareegeen ciidamadii ugu badnaa.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Madaxtooyada Puntland isla markaasna ay ka cabanayaan mushahar la’aan baahsan oo muddo Todobo Bilood ah.

Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo badan ayaa saaka ku sugan badiba wadada gasha Madaxtooyada Puntland, waxaana saraakiil u hadlay ciidamadaasi ay sheegeen in aysan banayn doonin wadooyinka gala Madaxtooyada Puntland ilaa ay ka helaan xuquuqdooda ciidan.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna saaka iskaga baxay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe inta aysan la wareegeen guud ahaanba wadooyinka gala Madaxtooyada Puntland ciidamadani ka cabanaya mushahar la’aanta, waxaana goor dhow kusoo wajahan magaalada Garoowe ee caasimada madaxda dowladd goboleedyada oo shirarkoodii taxanaha ku qabsan doona gudaha magaalada Garoowe.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco PUNTLANDTIMES.COM

2 Comments

  1. Way muuqatay inay imanayso in ciidamada gadoodsani la wareegi doonaan madaxtooyada puntland.
    Ninka darawalkiisa khaaska ah siin waayay xaqiisa ILAA UU LA BAXSADAY GAADHIGII MADAXWEYNAHA,miyaa ciidaka ilaalada madaxtooyada mushahar siinaya?.
    CAMEY ISNA DARAWALKIISII WAATUU GAADHIGII KALA GOOSTAY MARKUU MUSHAHAR SIIN WAAYAY.
    GAAS ABTI BUU U AHAA WIILKA DARAWALKIISA KHAASKA AHAA,CAMEYNA ADEER BUU U AHAA DARAWALKIISA
    KKK
    REER PL LABA HALYAY BAY HAYSTAAN EE HALOOGU DUCEEYO UUN IN ILAAHAY ISKU ASTURO
    KKKK

  2. Salah040@gmail.com says:

    Kkkkkkkkk
    Ku dayo Puntland Ku dayo

    Baa yaabtay!!!!!!!!!

Leave a Comment