DEG-DEG+DAAWO:- Golaha Iskaashiga D/gobaleedyada Oo U Jawaabay Madaxweynaha Hirshabelle, Kuna Dhawaaqay..

BAYDHABO(P-TIMES)-Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa si kulul uga jawaabay War-murtiyeed kasoo baxay Madaxweynah Maamulka Hirshabelle, kaas oo Dhaliil loogu jeediyay Golaha oo uu Waare ku tilmaamay mid Sharci darro ah oo Hareer maray Danihii loo aas aasay. RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO.

Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada, ahna Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed C/llaahi Sheekh Xassan, ayaa Wax lala yaabo ku tilmaamay Warka kasoo baxay Madaxweyne Waare.

Afhayeen oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa Sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle uu ka baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada 19 Bishii September, Isagoona xusay in ay tahay Wax lagu qoslo Hadalada Waare. RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO.

Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Hirshabelle inuu danihiisa raacdo uu uusan ku Mashquulin Madaxda u istaagtay Bad-baadinta Soomaaliya.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO.

PUNTLAND TIMES.

 

Leave a Comment