DEG DEG+DAAWO: Xildhibaano katirsan baarlamaanka PL oo ka digay Mooshin ay wadaan Xildhibaano kale oo xasaasi ah.

GAROOWE(P-TIMES)- Mudanayaasha baarlamaanka Puntland qaar kamid ah ayaa ka digay qorshe ay wadaan xildhibaano kale oo isla golahaas ka tirsan kuna doonayaan in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka deegaanadaas, iyadoo uu dhamaad yahay mudo xileedka golaha baarlamaanka.

Xildhibaanadan ayaa doonaya in la sameeyo wax ka bedelka dhanka awoodaha Madaxweyne ku ah, waxayna xooga saarayaan in la sameeyo labo Madaxweyne kuxigeen, sidaas oo kale tiradda golaha baarlamaanka ayaa kamid ah qodobada ay doodaha ka yeelanayaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa la xaqiijiyey in uu qorshahan gaaray, laakiin soo jeedinta Xildhibaanadan ayaa ah mid lala sugayo sidda wararku sheegayaan kalfadhiga baarlamaanka ee soo aadan.

Xildhibaan katirsan baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ka digay qorshahan oo uu sheegay in uu xaalad abuur yahay, dhibna ku yahay dalka iyo dadkaba xili loo diyaar garoobayo doorasho.

WARBIXIN+XOG: Loolanka Xildhibaanada Puntland oo meel adag gaaray, Gaas iyo Camay oo lug kuleh & Lacag gaaraysa Boqolaal Kun oo la adeegsaday.

2 Comments

  1. Sulaiman says:

    Waa arinkaan Shalayto sheegayay ee ahaa qorshahe xubno baarlamaanka ahi wadaan oo gaas maalgelinaayo.
    HADDA WAXA SOCDA IN GAAS IYO CAMEY LACAG BADAN KU BIXINAYAAN SIDII AY USOO BIXI LAHAAYEEN XILDHIBAANO AY IYAGU MAALGASHADEEN OO HADHOW CODKA SIIYA ILEEN IYAGAA SOO SAARAYEE.
    WAA JIRAAN MURASHAXIIN KALE OO IYANA QORSHE KAA LA MIDA WADA,LKN UMA XOOG BADNA SIDA GAAS IYO CAMEY.

  2. Ahmed abdulkadir says:

    66 xildhibaan waa kuwa wadanka iibsaday oo waa ku aan xataa aamin ahyn iga dhan hla badalo
    Hday wax qabanayyaan caldaalad darada wax haka qabteen
    Iyo tabashada beelaha

Leave a Comment