DEG-DEG+SAWIRRO:- Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Wadada Madaxtooyadda Iyo Wasaaradaha PL & Xog Cusub.

GAROOWE(P-TIMES)-Ciidamo Gadoodsan ayaa Saaka la Wareegay Wadada Wasaaradaha Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Iyagoona xiray Isu socodkii Gaadiid Dadweynaha iyo Dowladda.

Ciidamadan oo la Sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidamada Madaxtooyadda Puntland, ayaa ka Cabanaya Mushaar La,aan, waxaana Qaar kamid ah Ciidamada oo la hadlay Saxafiyiinta ay Sheegay in uu ka maqan yahay Mushaarka 7 Bilood.

Ciidamadan ayaa Joojiyay Haatan Isu socodka Gaadiidka Dadweynaha iyo Dowladda ee Magaalada iyo Wasaaradaha, waxaana wararku Sheegayaan inay jiraan Dadaalo lagu Furayo Wadadan, Xaqoodana lagu siinayo Ciidamada.

Leave a Comment