SAWIRRO:- Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Booqday Dhaawacyada Qaraxyadii Baydhabo Iyo Al-Shabaab Oo Ka Hadashay.

BAYDHABO(P-TIMES)-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur, oo ah Musharax u Taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Caawa Booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo Maqribkii.

Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa mid mid u dul-tagay Dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Weyn ee Baydhabo Isagoona alle uga baryay in uu Caafiyo.

Qarixii Maqribkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la Sheegay inay ku dhinteen Illaa 15 Ruux oo Shacabka, Iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 Ruux.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyadan ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaana ay tilmaameen inay bartilmaameedsatay goobo ay isugu yimaadaan Xildhibaanada iyo saraakiisha.

SAWIRRO.

PUNTLAND TIMES. 

 

Leave a Comment