DEG DEG:Warkii ugu cuslaa oo hada Garoowe lagaga dhawaaqay & Muuse Biixi oo loo qabtay 48 Saacadood in Ciidamadiisa uu kala baxo deegaanada…..

GAROOWE(P-TIMES)- Xili ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland isla markaasna uu maalmihii ugu dambeeyey dagaalo ay ku dhex mareen jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe qaar kamid ah isimadda dhaqanka Puntland.

Garaad C/laahi Garaad Maxamuud Garaad Dacar ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi in ciidamadiisa uu kala baxo deegaanada ay kaga sugan yihiin Puntland muddo 48 Sacaadood ah, isagoona ku tilmaamay nasiib daro in shacabka labada dhinac colaad la kala dhex dhigo maadaama shacabku aysan marnaba kala maarmin.

Garaad Dacar ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu hurinayo colaad hor leh, waxaana uu sheegay in nabad ay dhex mari karto Somaliland iyo Puntland marka ay ciidamada Somaliland dib ugu noqdaan deegaanadoodii.

Goor dhow naga filo codka Garaad Dacar oo dhamaystiran

 

9 Comments

  1. Maxamed sulub says:

    Somaliland waxay rabta in aay mamusho deganka dhulbahante.& kan warsangali.puntlanad Ayaduna waxay Rabta sidas oo kale.waxa fican in si cadalad ah lo furdamiyo.marka hore waxa fican.Afti Dad weyne in laqado.oo la kala saro.dadkasi Qolada aay la midobayan.inti dhiig micno daro la dadin laha.

  2. rage cali says:

    Waxa u arka inayba mar hore doorteen inay pl,raacaan

  3. ahmed says:

    maxaa aftti looga qaadayaa ma dad engris gumaysto miyaa iidoor ka yimi gabilay iyo huuno in ay dad dalkiis ku amartaagleeyaan ma gar moxamood sulubow gar ilaah bay leedahay af ma aha in aad tirahdid afti ha laga qaado dadkaas aad sheegtay caqli iyo maskax fiyow ma aha nin dhulkiisa afti ha lagaga qaado lamina arag lamina maqal waxaa kuu wanaagsanaan lahayd in iidoor aad ku tirahdid isaga baxa dadka dhulkooda puntland dhul kama doonayso dhulbahante iyo warsangale ee waa walaalahood ao ay gardarda iidoor uga heelinayaan runta ka hadal.

  4. xogagaal says:

    dadka dega dalka layskuhaysto aftitoodu waxba tarimaysee labada maamul haqaybsadeen waadal balaadhan oo kufilane

  5. Abdiweli says:

    Ahmed baa intaan dhihi lahaa yiri

  6. Abdullaah says:

    Qofkasta wuxuu rabo ha ku hadlo. Waxaa hubaal ah in Allah(swt) dhulka leeyahay ciddii u rabana u dhiibayo. Taas waa tan cidd maamulay Sool iyo Sanaag.

  7. Abdiweli says:

    Laakii dhibtu waxay ka socotaa qolodaan cudur jeegaanku ku dhacay oo kala garan waayey gurihooda iyo kan dariskooda

  8. Abdiweli says:

    Abdullahi

    Waa runtaa arlada iyo samaawaadka iyo inta u dhaxaysa Allaa leh. Laaakiin saaxiib cid kasta Alle meel buu hoy iyo dagaan uga dhigay

  9. xogogaal says:

    butlaand waxay doonaysaa waxaynay xaq ulahayn awood ay wax kuxootana maleh

Leave a Comment