DEG DEG+XOG:Shirkii Madaxda D/gobaleedyada ee maanta furmi lahaa oo la baajiyay & Xogihii ugu dambeeyay ee kulamada Nairobi

GAROOWE(P-TIMES)-Dib-u-dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Iskashiga Dowlad Gobaleedyad kaas oo lagu Waday inuu Maanta ka Furmo Magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa Shirkii ay ku yeesheen 4-8-dii Bishii September, ku balamay in Shir ay Isigu yimaadaan Garoowe 10 Bishan October oo maanta ku Beegan, waxaana ku yimid Dib-u-dhac.

Wararku waxaa ay Sheegayaan in Dib-u-dhaca ku yimid Shirkan ay ka Dambeysay ka gadaal markii Beesha Caalamku ay ka dalbatay Madaxda Dowlad Gobaleedyada in dib loo dhigo Shirkan oo la siiyo Fursad, si ay u dhameys tiraan Dadaalo ay wadaan oo ku aadan Xalinta Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo Sugan Magaalada Nairobi, ayaa kulamo la lahaa Maalmihii ugu dambeeyay Xubno ka socda Beesha Caalamka, kuwaas oo looga Arrinsanaya Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada.

Kulamadan ayaa la Sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ay ka gaareen Is Afgarad, Iyadoona Beesha Caalamku ay u Sheegtay Dowlad Gobaleedyada inay jiraan Waxyaabaha ay Tabanayaa, aysana aheyn wax Daneeyayaasha Arrimaha Soomaaliya ay Aqbali doonaan.

Beesha Caalamka ayaa u Sheegtay Madaxda Dowlad Gobaleedyada inay u baahan tahay Waqti Dheeri ah, waxaana Madaxdu Siiyeen Illaa 14 Bisha, Iyagoona u Sheegay in wixii ka dambeeya uu Qabsoomi doono Shirkooda Garoowe.

Wararku waxaa ay Sheegayaan in Beesha Caalamku ay ka Wal-wal qabto in Shirka Garoowe uu uga sii darro Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, taas oo Maraysa Meeshii ugu xumeyd, ayna Istaageen Dhamaan Wada-shaqeyntii  Hay’daha Fulinta ee DF Soomaliya iyo Dowlad Gobaleedyada.

 

Leave a Comment