DHAGAYSO:Haweenka gobolka Gardafuu oo baaq culus u diray odayaasha dhaqanka & Gabadh isu soo taagtay xildhibaan

BOSASO(P-TIMES)- Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacay kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen qaar kamid ah haweenka gobolka Gardafuu, waxaana kulankaasi intii uu socday loogu baaqay odayaasha dhaqanka in xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ay qayb ka siiyaan haweenka. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Yaasmiin Saalax Xaaji Cumar oo iyadu ah gabadh doonaysa in ay kamid noqoto Baarlamaanka cusub ee Puntland sanadka 2019 ayaa mar ay ka waramaysay waxyaabaha ku dhaliyay in ay isku soo taagto xubintaasi waxa ay sheegtay in ay aragtay dhibaatooyn badan oo ka jira gobalka Gardafuu oo ay qaarkood goob joog usoo ahayd, iyadoona sheegtay in lagama maar maan ay tahay in xubin laga siiyo xildhibaanada ka imaanaya gobolkaasi haweenka si ay u gudbisadaan cabashooyinkooda

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Leave a Comment