DHAGAYSO:Maamulka Gobolka Hiiraan oo la wareegay Ciidan & Deegaano ay ka talin jireen malayshiyaad hubaysan

BALADWEYNE(P-TIMES)- Maamulka gobolka hiiraan ayaa maanta La wareegay ciidamadii maamulka Westland oo ka dhisnaa galbdeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta ciidamada Westland ayaa waxaa ay ahayd mid maamulkaasi oo gooni istaag ahaa kula midoobayey maamulka Hirshabeelle iyo dowlada federaalka Somalia oo ay wareejiyeen dhamaanba ciidankii iyo xarumihii ay ka hawlgali jireen ee gobolka Hiiraan.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) ayaa soo dhoweeyay ku biiritaanka ciidamada Westland oo ahaa kuwa la dagaalama Al-shabaab maamulka Hirshabeelle, waxaana uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan uu balan qaaday in uu xaquuqda ay leeyihiin u raadin doono ciidamadaasi maanta ku biiray ciidamada xoga dalka.

Taliyaha guutada Shanaad ee ciidamada xooga ee gobolka Hiiraan Faarax Cali Waasuge ayaa soo dhaweeyey dhankiisa ku biiritaanka ciidamada Westland kuwa dowladdam waxaana uu sheegay in dowladda federaalka Somalia ay ka warqabato ciidankan ayna xaquuqdooda ka heli doonaan.

Leave a Comment