Garoonka Muqdisho oo lagu qabtay rag ka shaqeeya samaynta Dollarka been abuurka ah

MUQDISHO(P-TIMES)- Ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha ee magaaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa gacanta ku dhigay koox ka shaqaysa lacag dhaqida.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA oo lsoo dhigay barta Twitterka hay’addaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay qabteen shabakad ka shaqaysa lacag dhaqida iyo samaynta Dollar been abuur ah.

Shabakadan lacagta dhaqida ayaa laga qabtay laba ruux halka kuwo kalena lagu daba jiro sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA.

“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas kuwa kalena waa lagu daba jiraa” ayaa lagu yidhi qoraalkan kasoo baxay NISA.

Hay’adda Nabadsugidda ayaa sheegtay in shabakadaas uu hawlaha u sahlay mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia, waxaana galka baarista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga.

“Waxaa hawlaha u sahlay sida gudbinta garoonka mudane ka tirsan gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Somalia”.

“Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si’ ay uga qaadaan talaabada ku haboon” ayaa lagu yidhi mar kale qoraalka NISA.

Leave a Comment