Madaxweynihii hore ee Galmudug oo Wasiir ka tirsan P/land daaqada kala baxay “Guulleed Al-Shabaab ayuu Puntland u soo gudbin jiray si ay……

GAROOWE(P-TIMES)- Xili maalintii shalay ahayd warbaahinta uu ka hor sheegay madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed in magaalada Gaalkacyo aan nabad lagu wada fadhiyi doonin inta ay kawada taliyaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa arimhaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali(Qarjab).

Mr. Qarjab ayaa sheegay in bulshada Galmudug iyo Puntland ay yihiin walaalo mar walba kawada tashanaya ilaalinta nabadda iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in uusan dhag jalaq u siin doonin hadalada nacaybka iyo colaada hurinaya ee kasoo yeedhay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay Guulleed uu soo noqday madaxweynaha Galmudug isla markaasna aan maanta looga fadhin in uu isku dir iyo colaad ka dhex abuuro shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee wada dega magaalada Gaalkacyo xili ay nabada iyo xasiloonida deegaanka kawada shaqaynayaan.

Ugu dambeyn wasiir Qarjab ayaa Guulleed ku eedeeyay in uu dagaalo qabiil iyo colaado gobolka ka hurin jiray mudadii uu madaxweynaha ka ahaa Galmudug isla mar ahaan taana uu malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab u soo gudbiyay dhinaca Puntland si ay khal khal u galiyaan amaanka deegaanada Puntland.

Hadalkan kasoo yeedhay wasiirka warfaafinta Puntland ayaa u muuqda jawaab ka dhan ah madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed, waxaana xusid mudan in dhinacyada Puntland iyo Galmudug ay haatan si rasmi ah uga wada shaqeeyaan amaanka magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaanba kan gobolka Mudug.

2 Comments

  1. Dalmar says:

    Dulmi-jadiid wali fidnadii & tuugadii ayey rajo ka qabaan. Hassan xoolo xitaa caqligiisa inuu Mar labaad madaxweyne noqdo ayey ka haysaa. Waxaa layiri “dhadhanshaa falan, dhargaana kaba daran”.

  2. mohmud Ali says:

    waxaa hore looyiri nin aan waligiis talin haduu talsho nin aan dhiman jirin baa dhinto…anigoo ah shaqsi kasoo jeeda puntland waxaan aamin sanahay in siyaasiinta iyo madaxda puntland qaarkood ey dhib ku hayaan jiritaanka puntland waa shaqsiyaad leh den gaar u ah oo aan shacabka puntland cadow ku ah ,,,waayo puntland waxay ahaan laheed meesha ugu hormarka iyo nabada ugu sareyso somalia oo dhen ,waa nasiib darro in ciidenkii eynan heysan qalabka casriga iyo mushaarkoodii,,,lakiin siyaasiga mushaar ma waayo,,,,waa in shacabka ey sameeyaan isbedel taas oo ah hormarka ugu wanaagsan ey dunida kale ku hormartay,,,shacab aan la socon oo aan qeyb ka aheyn talada dhulkiisa iyo mallkiisa waxa lagu baxsho waa jaahilnimo,,,,dowlada laguu sheegayo waxay ku dhalataarabitaanka shacabka,,,,,waa in sharci wax lagu qabto,,,ina adeer iyo qabyaalad hormar laguma gaaro,,,,,

Leave a Comment