Maxaa looga hadlayaa Shirka Beesha Caalamka maanta ku yeelanayso magaalada Hargeysa?

HARGEYSA(P-TIMES)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland maanta oo Arbaco ah waxaa ka furmaya shir loogu magac daray saaxiibada Somaliland ee caalamka.

Shirkan oo ay ka qayb galayaan in ka badan 50 ergay oo ka kala socda qaaradaha adduunka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland.

Waxaa shirkan looga hadlayaa horumarada ay gaadhay Somaliland intii ay jirtay, caqabadaha hortaagan iyo sida looga gudbi karo sida ay sheegeen qaban qaabiyeyaasha shirkan.

Inta uu shirkan socdo waxaa la filayaa in lagu soo hadal qaado waxa hortaagan in dib loo bilaabo wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Dadka qaar ayaa qaba shirkan loogu magac daray saaxiibada Somaliland ee caalamka oo maanta ka furmaya Hargeysa inuusan waxba soo kordhineyn, keliya uu yahay mashquuc dhaqaale lagu uruursanayo.

Leave a Comment