Puntland & Somaliland oo iskugu awood sheegtay Sool & Ciidamadii ugu badnaa oo Tukaraq ku sugan

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xaaladdu ay aad u cakiran tahay isla markaana labada dhinac ay isu diyaariyeen dagaal xooggan.

Ciidamada Puntland ayaa lageliyey heegan culus kadib amar ka soo baxay madaxweynaha dowladda Puntland oo maalmo kahor booqday furimaha hore ee dagaalka, waxaana saraakiisha ciidamada lagu wargeliyey inay marwalba heegan ahaadaan.

Dhinaca Somaliland waxaa wararku sheegayaan in taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani uu ciidamada heegan geliyey isla markaana sheegay inaysan dagaal ka fursan doonin tan iyo dagaalkii ugu dambeeyey ee ciidamadiisa guutooyin katirsan khasaruhu ka soo gaarey.

Labada dhinac oo gacan ku haynta gobolka Sool ku hardamaya ayaa midba midka kale u dirayaa hanjabaad culus waxaana Puntland ay sheegtay inay soo xiri doonto xuduudkeeda dastuuriga ah ee deegaanka Lebida Gaatama halka Somaliland raadinayso xariiqdii Gumaystuhu jeexay ee Yoocada.

Leave a Comment