Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

MUQDISHO(P-TIMES) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho ay ku tageen dalka sacuudiga.

Waftiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano iyo xubno ka tirsan gollaha wasiirada Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Sacuudiga waxa uu la kulmay Boqorka dalkaas Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud iyo Dhaxal-sugida dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Shalay oo Khamiis ahayd ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre uu soo cumraystay, waxa uuna intii uu ku sugnaa Xaramka uu Ra’iisal wasaaruhu u duceeyay ummadda Soomaaliyeed halka uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.

Leave a Comment