SAWIRRO:- M/weynihii Hore Ee DF Xassan Sheekh Oo Ka Hadlay Dib-u-dhaca Ku Yimid Wada-hadaladii DF Soomaaliya & Somaliland.

LONDON(P-TIMES)-Madaxweynihii hore ee JF Soomaaliya, haatana ah Guddoomiyaha KMG Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Mudane Hassan Sheikh Mohamud, oo safar ku jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa habeennimadii xalay waxa uu kulan xog-wareysi iyo talo-wadaag ahaa la yeeshay golaha odayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain.

Kulan oo ahaa mid Xasaasi ah ayaa Su’aalo Odayaashu ku weydiiyeen Madaxweynihii Hore Xassan Sheekh Maxamuud, ahna haatan Guddoomiyaha KMG Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, Isagoona uga Jawaabay Odayaasha Su’aalahooda oo u badnaa Xaaladda dalka iyo daneynta ka mid noqoshada .

Sidoo kale, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga weydiiyay dib u dhaca ku yimid wadahadalada Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in tabasho badan oo jirta loo baahan yahay in waqti badan la geliyo sidii dadkaa Soomaaliyeed looga qancin lahaa tabashadooda, loogana daweyn lahaa boogaha gaaray.

Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Odayaasha uu la kulmay ku booriyay in aysan marti ka noqon dadaalada loogu jiro sidii wadanka lagu gaarsiin lahaa midnimo, cadaalad iyo horumar.

Ugu Dambeyntii, Xassan Sheekh ayaa ugu baaqay in ay ka mid noqdaan Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, si ay kaalintooda uga qaataan dadaalada dalka lagu gaarsiinayo Nabadda, Midnimadda iyo Horumarka.

SAWIRRO.

   

PUNTLAND TIMES.

 

Leave a Comment