SAWIRRO:- Nabadoon Axmed Nabadoon Cabduqadir Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Loogu Sameeyay Gaalkacyo.

GAALKACYO(P-TIMES)-Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, waxaa maanta lagu Qabtay Munaasabad si weyn loo soo Agaasimay, taas oo lagu soo Dhaweynayay Nabadoon Axmed Nabadoon Cabduqadir Nabadoon xaaji Xuseen oo dhowaan dib ugu soo laabtay Dalka.

Munaasabaddan soo dhaweynta aheyd oo ka dhacday Hotel Aaran, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Dhamaan Nabadoonada Gobalka Mudug, Iyadoona intii ay Munaasabaddu Socotay ay Hadalo ka jeediyeen Waxgaradkii Munaasabadda Joogay.

Qaar kamid ah Nabadoonadii Goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Nabadoon Axmed Nabadoon Cabduqadir Nabadoon xaaji Xuseen, Iyagoona Sheegay inuu yahay Nin Aqoon, Karti iyo Waayo aragnimo leh.

Waxaa ay Xuseen inuu kusoo aaday Imaanshihiisa Xilli Xasaasi ah, oo Guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ay ka jiraan Xaalado u baahan in lagu Maareeyo Cadaalad.

Waxgaradka ayaa kula Dar-daarmay Nabadoon Axmed, inuu ugu Shaqeeyo Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa uu la joogo Cadaalad, maadama ay saran tahay Masuuliyad weyn oo u baahan Taxadar.

Nabadoon Axmed Nabadoon Cabduqadir Nabadoon xaaji Xuseen, ayaa Dhowaan kasoo laabtay Dalka Dibadiisa, Iyadoona uu soo Wakiishay Nabadoon Cabduqadir Nabadoon xaaji Xuseen, waxaana uu Nabadoon Axmed uu kamid yahay Isimada Goyn doona Masiirka Shacabka Puntland, soona Xulaya Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland.

SAWIRRO.

 

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Haliye says:

    Aduunka reer PUNTLAND mooyaane cid isimo sheeg sheegama jiraan waana waxa halkaas maanta dhigay ‘ idinkuna inaad buunbuunisaan maaha, ee waa qofka bulshada wax u qabta aad tilmaantaan si dhalinyaradu iyo dadku ugu daydaan.

  2. Haliye says:

    Ninkaan waa nabadoon, nabadoonadu wax ma doortaan.

Leave a Comment