Shirkadda DP World oo ku dhawaaqday arin kale oo wal wal ku abuurtay DF Somalia & Deegaano ka tirsan Somaliland oo……

BER-BERA(P-TIMES)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdulaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno wasiiro ah oo la socda ayaa waxa ay gaadheen magaalda Ber-Bera ee xarunta gobolka Saaxil, iyagoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey.

Waftiga madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa la sheegay in ay ka qayb geli doonaan munaasibad lagu dhagax dhigayo dhismaha dekad labaad oo laga dhisayo magalada Ber-Bera taas oo ay dhisayso shirkada DP World.

Dekadan labaad oo Ber-Bera ay ka dhisayso shirkada DP World ayaa qayb ka ah heshiiskii Somaliland iyo DP World ay hore u kala saxiixdeen, waxana munaasibada dhagax dhiga ka qayb gali lahaa madaxweyne Muuse Biixi balse waa uu ka baaqday munaasibadaasi.

Shirkada DP World ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa hore looga mamnuucay Soomaaliya in ay ka shaqayso, waxaana haatan ay si buuxda u maamushaa dekadaha Ber-Bera iyo Boosaaso oo ka kala tirsan deegaanada Somaliland iyo Puntland.

Leave a Comment