Shirkii dibu eegista dastuurka Somalia oo goor dhow Garoowe lagu soo xidhayo & Madax ka qayb galaysa

GAROOWE(P-TIMES)- Magalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa goor dhow lagu soo gaba gabayn doonaa shir weynihii dibu eegista dastuurka Somalia oo maalmihii ugu dambeeyey ka socday gudaha magaalada Garoowe.

Shir weynahan oo uu marti galiyey Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qayb galay gudiyada dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaanada dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka Somalia iyo gudiga madaxa banaan ee dibu eegista dastuurka dalka, waxaana dibu eegis lagu sameeyay 5 cutub oo kamid ah dastuurka KMG ah ee Somalia.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa shirkan ku sugan, waxaana munaasabada lagu soo xidhayo shirkan ka qayb gali doono madax ka tirsan dowladda Puntland.

Leave a Comment