WAR DEG DEG AH: Sacuudi Careebiya oo qiratay dilkii Wariye Jamaal oo la weysanaa

RIYADH(P-TIMES)- Sacuudiga ayaa xaqiijiyay Jamal Khashoggi in lagu dilay qunsuliyadda Istanbul, ma jirto maclumaad inta ka badan oo soo baxay, waxayna sheegeen in ay wadaan baaritaano la xariira sidda ay dhacdadan kutimi.

Warbaahinta ayaa laga baahiyey warkan,gaar ahaana mida ay maamusho Boqortooyada Sacuudi Careebiya.

Illaa 18 qof ayaa shaqada laga eryay oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan sirdoonka,kuwaas oo ay kujiraan 15 tuhmane oo dhacdadan lagu haysto sida ay ku warrantay warbaahinta Sacuudiga.

Khashoggi ayaa la waayey kadib markii 2-dii bishan October uu galay qunsuliyadda uu Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul, halkaas oo saraakiisha Turkigu ay sheegayaan in lagu dilay.

Qirashada Sacuudiga ee dilka Wariyahan ayaa dhabo cusub jeexi doonya 14 maalmood oo iska daba wareeg ah ka dib, Sacuudigu waxay taagnayeen beenin wax kasta, laakiin hadda Hanjabaad katimi Turkiga awgiis ayaa loo qaatay go’aankan.

Leave a Comment