WAR DEG DEG AH+AKHRISO:- Puntland Oo Digniino U Dirtay Shacabkeeda Iyo Xaalad Cabsi Oo Taagan.

GAROOWE(P-TIMES)-Dowladda Puntland ayaa Digniino u dirtay Shacabka Ku Nool Mandiqada Puntland, Iyadoona Sheegtay inay jiraan Duufaano kusoo wajahan Deegaanada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga iyo Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA, ayaa Sheegay inay jiraan Saadaalo Sheegaya in Duufaano ay Ku dhufanayaa Deegaanada Puntland, kuwaas oo bilaabanaya Maalmaha Sabtida illaa Isniinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Hay’adda HADMA, ayaa ugu baaqay Shacabka Deegaanada Puntland Miyi iyo Magaalaba inay Taxadaar, ayna ka Fogaadaan Meelaha Godan.

Waxaa ay Digniin gaar ah u direen dadka Ku nool Deegaan Xeebeedka iyo Miyiga oo u nugul Dhibaatada Duufaanada iyo Daadadka, Iyagoona kula dar-daarmay inay so weyn u Feejignaadaan, ayna Xoolaha ka Fogeeyaan Meelaha Godan iyo Biyo-mareenada, ayna tagaan Meelaha Buuraha ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo HADMA ayaa Baaq u diray Kalluumeysatada Reer Puntland, Iyadoona u soo Jeedisay inay Hakiyaan Kalluumeysiga, ayna u baqaan Naftooda iyo Saxiimadahooda.

Digniintan kasoo baxday Dowladda Puntland ayaa kusoo aadaysa xilli saacadihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen Warar sheegaya in Duufaano roobab wata ay Ku dhufanayaan Dhulka Barri ee Puntland.

 

Leave a Comment