DHAGEYSO:- Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Ugu Baaqay Madaxda Soomaalida Inay Is Casilaan.

GAROOWE(P-TIMES)-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ka hadlay Takhriibka Dhalinyarada Soomaaliyeed, Isagoona sheegay in tahriibku uu yahay Musiibo weyn oo sanadihii ugu dambeeyay haysatay Shacabka Soomaaliyeed. RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSO CODKA CAMEY.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo maanta daah-furay Xeerka Daabulka iyo Ka Ganacsiga Dadka ee Puntland, ayaa Sheegay in Puntland Dadaal dheer ay ugu jirto Joojinta Tahriibka, balse aysan ku fineyn kaligeed.

Waxaa uu ugu Baaqay Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada iyo Beesha Caalamkaba in loo Istaago Bad-baadinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, oo uu xusay in Dhibaatada Tahriibka ay u sii dheer tahay in laga Ganacsado Jirkooda, taas uu tibaaxay in ay tahay wax laga Murugoodo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Camey ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in Madaxda Soomaalidu ay dhamaantood ku Fashilmeen wax u qabashada Dhalinyarada iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay Dhamaantood inay Iskaga tagaan Hoggaanka.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSO CODKA CAMEY.

Leave a Comment