WAR DEG DEG AH+XOG:- Wada-hadal Dhex Maray Al-Shabaab Iyo Xildhibaanada K/galbeed, Cabsi ka Taagan Baydhabo.

BAYDHABO(P-TIMES)-Warar lagu kalsoon yahay oo uu helay Warsidaha PUNTLAND TIMES, ayaa Sheegaya inuu Wada-hadal dhex maray Kooxda Al-Shabaab iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararku waxa ay Sheegayaan in Al-Shabaab ay lasoo Xariirtay Xildhibaanada ayna kala hadashay Arrimaha ku saabsan Doorashada Koonfur Galbeed iyo Musharixiinta Olalaha ka wada Baydhabo.

Xildhibaanada ay la hadashay Kooxda Al-Shabaab ayaa la Sheegay inay yihiin kuwa Xiriirka Dhow la leh Musharax Madaxweyne Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansur, kaas oo Olalae Xooggan la wada Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaano kamid ah Kuwa ay Al-Shabaab la soo Xariireen ayaa u Sheegay Warsidaha PUNTLAND TIMES, in Al-Shabaab uga digtay inay Garab u noqdaan Mukhtaar Roobow, Sidoo kalena ay doortaan Mudane Roobow.

Al-Shabaab ayaa ugu hanjabay Xildhibaanada Koonfur Galbeed inay Beegsan doonaan Xildhibaan kastaa oo ay ku Cadaato inuu Codkiisa siinayo Mukhtaar Roobow, Sidoo kalena qeyb ka ah Olalihiisa Doorashada.

Arrinta ayaa Walaac ku abuurtay Xildhibaanada Koonfur Galbeed, Iyadoona Xildhibaanada Qaarkood ay inoo Sheegeen in Xaaladooda ammaan ay dayacan tahay, ayna Hanjabaada Al-Shabaab Macquul tahay inay ka Dhabeyso.

Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur, ayaa horey uga mid ahaa Aas aasayaashii Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana Sanadihii ugu dambeeyay uu kula jiray Dagaal, Isagoona haatan ah Musharaxiinta ugu cad cad ee Doorashada Koonfur Galbeed, taas oo Qabsoomeysa Bartamaha Bisha soo socota ee Navember.

PUNTLAND TIMES.

Leave a Comment