Wararkii ugu dambeeyey ee Ciidamadii la wareegay Wadada Madaxtooyada & Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamadii Gadooday

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo ciidamo gaadoodsan oo saaka la wareegay guud ahaanba wadooyinka gala Madaxtooyada iyo Xarumaha Wasaaraddaha Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in la furay wadadaasi kadib xal ay wada gaadheen saraakiisha hogaamisa ciidamadaasi iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Hadaba kulan dhex maray saraakiisha ciidamadaasi iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay muddo socday ayaa waxaa diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee ciidamadaasi ay u heli karaan xuquuqdooda, iyadoona labada dhinac ay isku af garteen in la xayiraada laga qaado wadadaasi isla markaasna ay ciidamadu dib ugu noqdaan goobahoodii hore.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna laga yaabaa in goor dhow uu ka hadlo arintani, waxaana madaxtooyada ay war murtiyeed kasoo saari doontaa la wareegista ciidamadaasi ay la wareegeen ahaanba wadooyinka gala Madaxtooyada iyo Xarumaha Wasaaraddaha Puntland ee magaalada Garoowe.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

Leave a Comment