BREAKING: Madaxda Ethopia, Eritrea & Somalia oo ku shiraya Gobalka Amxaarada Itoobiya.

GONDAR(P-TIMES)-Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya uu ka furmo shir ay leeyihiin Madaxda Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eretria.

Shirkaan oo  ah Shir Saddex geesood ah, waxaa ka qeyb gali doonaa  Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor.

4 Comments

  1. Haliye says:

    Waa in la taageeraa dib uhabaynta iyo horumarka ka socda wadamada geeska afrika.

  2. heshisyo nuxur wen somalida ulahan aya mesha laga wada,dadka siyasada u kurgala waxay aminsan yihin in itoobiya daneheda dahson aay wada to,hase yeshe somaliya oo dhul hodan ah oo iska cidla ah in aay ka fa’deysato itoobiya ka socota,madaxweynaha somaliya oo ah nin fudud oo aan cidna latashan aya iska roraya.

  3. Abdiweli says:

    Uma maleeynayo in farmaajo leeyahay la taliyaal. Haduu leeyahayna waa kuwa isaga ka liita. Abiy waxuu ka faaiideeysanayaa maangaabnimada farmaajo. Abiy ha ogaado in farmaajo uu somalia ahayn somaliyana farmaajo ahayn . Ha ogaaddo in heshiis aan somaalia dan u ahayn in qashinka lagu darin 2020.

  4. Abshir says:

    Madaxweyne caasimadiis qarax ka dhacay dal kale ma uusan joogi lahayn. Farmaajo caqli ma leh, cuqdad Puntland iyo Jubbaland ayaa haysa.

Leave a Comment