DAAWO: Beesha Cabdile Nooleys Oo Ku Dhawaaqday Inay Ku Dulman tahay BPL, Kuna Eedeeysay Isimada G. Mudug.

GAALKACYO(P-TIMES)-Beesha Cabdile Nooleys (Daanweyne), oo kamid ah Beelaha Majeerteen, ayaa Munaasabad ugu Sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, Beelaha Majeerteen ee Gobalka Dega, waxaa ay kaga hadlayeen Dulmi ka heysta Kuraasta Golaha Wakiilada Puntland oo 20-kii Sanno ee Dowladda Puntland jirtay aysan ku yeelan Wax Matalaad ah.

Nabadoonada Beesha Cabdile Nooleys (Daanweyne), oo intii Munaasabadu socotay Hadalo ka Jeediyay, Ayaa Sheegay In aysan Baarlamaanka Puntland Ku yeelan hal Xubin Intii Ay Puntland Jirtay.

Nabadoon Qooje Saleebaan Aw-cali, oo kamid ah Odayaasha Beesha Daanweyne ayaa Sheegay in Puntland lagu aas aasay Baarlamaankeeda 66 Xubnood, Iyadoona labo kamid ah la Siiyay Beelaha loo yaqaan Baho-majeerteen ee Dega Gobalka Mudug si ay ugu Tareestaan, waxaana uu Sheegay in taas aysan dhicin oo ay weli Joogaan Beelihii Xiligii Puntland La Aas aasay Kuraastaas ku Fariistay.

“Gogashan Waxaa Dhigta Beesha Cabdile Nooleys oo kamid ah Beelaha Gobalka Mudug, waxaana sababta ay u dhigtay tahay Cadaalad darro Qaan-gaartay, Puntland Markii la dhisay Baarlamaan baa loo Sameeyay 66 Xubin ah 66 Beelood ma laheyn wuxuu ku saleysnaa Gobolo, Gobal walbaana waxaa uu lee yahay wax qeyb iyo si u gooni ah oo uu wax u Qeybsado, waxaa jirta labo Xubnood oo kasoo geli jirtay 10 Xubnood ee Gobalka Mudug la siiyo oo ka dhaxeysay Beelihii ku Midoobay Magaca la yiraahdo Baho-majeerteen oo Labo Beelood ay iska heysato” ayuu yiri Nabadoon Qooje Saleebaan Aw-cali.

Nabadoon Cabdi Jaamac Kunle oo kamid ah Odaayasha Beesha Daanweyn, ayaa isna Goobta ka Sheegay in Heysashada Kuraastan ay yihiin Cadaalad darro, waxaana uu ugu baaqay Isimada Gobalka Mudug inay Kuraasta Dib loogu soo Celiyo Beelaha Wadaagta ku ah ee Baha-majeerteen, si ay iyagu Go,aan uga gaaraan Cida Qaadaneysa.

Dhanka kale, Nabadoonada Beelaha Kale Gobalka Mudug ee Munaasabadda ka Qeyb-galay ayaa Qiray in Beesha Cabdile Nooleys (Daanweyn ay Xaq u lee dahay Kuraasta Baho-majeerteen Wadaagaan ee Labada Beelo ay tan iyo Aas aaskii Puntland iska Fadhiyaan, waxaana ay ugu Baaqeen Isimada Gobalka Mudug oo uu ugu horeeyo Isimka Guud ee Gobalka “Islaan Bashiir Islaan Cabdile”, in wax laga Qabto Cabashada iyo Cadaalad darrada ay tirsaneyso Beesha Cabdile Nooleys.

Beelaha Baho-majeerteen ee Dega Gobalka Mudug oo ka kooban (6 Beelood), ayaa Mataalada 2 Kursi ku leh Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo dhan 66 Xubnood, waxaana 20 sanno ee Puntland jirtay Kuraastaas ku Fadhiyay 2 Beelood oo Kaliya, taas oo Dhalisay in Cadaalad darro ay tirsadaan Beelaha kale Kuraastan Bah-wadaagta ku ah.

DAAWO.

 

3 Comments

  1. Anonymous says:

    wep ka puntlandtimes aad baa umahadsantihiin,

    isimada gobolka mudug hakuqimeyan.deegaan.
    Qabiil aaan. Gobolka mudug degmo kaliya kaso galin.inuu xubin.iska haysto waaxaran

  2. Abdiweli says:

    Horta hore waa xaq aan la dafiri karin in bulsha kasta ee magac taariikhi ah leh , ay matalaad ka hesho baarlamaanka Puntland, inta laga gaarayo ama ay suurtoobedyso in la qabto hal qof iyo cod. Laakiin halkaan waxaan uga jeedaa in aan xaal la raadinahayn ee xaqdaro lagu saxayo xaqdaro kale.

    Sidee bay 10 beelood u qaybsan karaan 2 kursi?????

    Waxaan u maleyn reer puntland in ay dunida kusoo kordiyeen xisaab casri ah .

    Koley anigu xisaabtaas casriga ah wali ma baran, laakiin waxaan ka codsanayaa cidii xisaabtaas taqaan in ay soo sharaxdo sida 2daas kursi ay 10kaas beelood u kala jabsanayaan, oo barlamaanka ay uga cod baxsanayan. Waa xisab cajiib ah.

    Tusale—- hadi Cabdile Noleys Awe, ay rabaan in ay u codeeyaan musharax hebel-hebel, ma in ka yar rubuc-jab bay ugu codeyn.

    Hadii xisaabtaas la sharixi karin, hadee yaan umada la wareerin oo sambuus afar gees ah loo dirin.

  3. Abfiweli says:

    Koley saan u maleynayo far farmaajo meesha kama maqna. Wakhtigaan doorashada lagu jiro kooxda farmaajo wey ka fiideeysan boog kasta oo bugta.

    Shicibka puntland waxay xaq u leeyihiin matalaad cadaalad ku dhisan. Xaq ma aha in umada madaxa laysu galiyo oo la yiraahdo wax aan kala go’i karin kala goosta. Hadii xaqa loo hiilinayo waan in beelkasta xubin ku lahaataa baarlamaanka puntland. Beel beelkale ka aaba weyn kama dhalan puntland. Xaq ma ahan in beelaha qaarood ay beeso ku beecinayaan matalaada xad dhaafka ah ee ay haystaan, beelokale’na ay sufur-sufur taagan yihiin , am la leeyahay isku xagxagta 2 kursi, ama wax aan kaafin karin matalaadooda.

Leave a Comment