DAAWO: Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka digay arrimo ku saabsan guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Doorashada Puntland

GAROOWE(P-TIMES)- Musharax Cali Xaaji Warsame oo kamid ah xubnaha u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaarka magaalada Garoowe, wuxuu daaha ka rogay in looga baahan yahay Madaxweynaha Puntland in guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta baarlamaanka ay noqdaan kuwa daacadnimo ku sifoobay.

Musharaxa oo maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddigas ay noqdaan kuwa kusifoobay daacadnimo iyo jaceyl ay u qabaan dawladnimada Puntland.

Cali Xaaji ayaa sheegay in horey marar badan ay arrimahan ka hadleen doorashadii hore ee 2014-kii, uuna Madaxweynaha hadda kamid ahaa musharaxiintii sidda cad u diiday xubnihii uu magacaabay Dr Cabdiraxmaan Faroole oo xiligaas Madaxweyne ahaa.

Leave a Comment