DAAWO: Musharax Madaxweyne Gaadaale oo la kulmay Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah Isimadda Puntland.

GAROOWE(P-TIMES)- Musharax Madaxweyne Dr Aden Maxamed Ciise Gadaale oo kamid ah musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ee doorashada dhawaan loo madlan yahay ayaa maanta booqday deegaanka Kalabeyr ee gobalka Nugaal, isagoo halkas ugu tagay sidii ula kulmi lahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah Isimadda ugu waa weyn ee dhaqanka Puntland.

Musharax Aadan Maxamed Ciise ayaa uga mahad celiyey Isimadda Puntland doorka wanaagsan ee ay kaga jiraan horumarinta, Nabadeynta, Dawladnimada iyo wax ka qabashada arrimaha deg deg ah ee mandiqada Puntland, wuxuuna ku amaanay talaabada geesinimada, ehelnimada iyo walaalnimada leh ee ay ku galeen sidii loo dhameyn lahaa colaado badan oo mandiqada soo maray.

Dr Gaadaale ayaa sheegay in ay Isimaddu yihiin Ubucda dawladnimada Puntland, isla markaasna ay door weyn ka qaateen sidii hadda loo damin lahaa colaadihii soo dhexmaray beelaha walaalaha ee gobalada oo dhan, gaar ahaana wuxuu ku amaanay talaabada ay hadda ku dhexdhexaadinayaan beelo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dhumay.

Sidaas oo kale Musharaxa ayaa kala hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garaase arrimaha kala duwan ee horumarinta dalka iyo arrimaha ku aadan geedi socodka doorashooyinka kusoo wajahan gobalada Puntland.

Suldaan Siciid ayaa uga mahadceliyey musharaxa soo booqashada uu kusoo gaaray, wuxuuna kusifeeyey Dr Aadan Maxamed Ciise in uu yahay Hal-door wax badan qeyb ka qaatay dibu dhiska dalka, gaar ahaana ugargaarida bulshada, ka qeyb-qaadashada nabadda iyo sidii Ummadda Soomaaliyed u soo ceshan lahayd walaalnimadii ka dhaxaysay.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada ku wajahan arrimaha nabadeynta beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dhumay, haddana Isimadda Puntland ay ugu maqan yihiin xarunta dawlad deegaanka Soomaalida ee magaalada Jigjiga, oo uu ku maqan yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada ugu waa weyn ee Puntland.

Booqashada Musharax Madaxweyne Dr Aadan Maxamed Ciise (Gadaale) ee deegaanka Kalabayr oo ahayd salaan iyo booqasho uu ugu tagay Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa soo gaba-gabowday, waxaana musharaxu maalmaha nagu soo aadan uu kulamo kale la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Leave a Comment