DAAWO: Muuse Biixi oo digniin deg deg ah looga soo diray Puntland ”KA BAX SOOL”

BOOSASO(P_TIMES)- Musharax Madaxweyne Jen, Khaliif Ciise Mudan oo kamid ah musharaxiinta u taagan Madaxweynne-nimada Puntland oo ka hadlayay magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland in uu deg deg ciidamadiisa ugala baxo gobalka Sool.

Jeneraal Mudan ayaa sheegay in xoog lagu haysto Shacabka gobalka Sool, isagoo sheegay in ay xoreyn doonaan oo ay ka dulqaadi doonaan gumeysiga Somaliland waxa ugu yeeray, wuxuuna ku eedeeyey Somaliland in ay isku hubeynayso Shacabka gobalkaas oo ilaa hadda dagaalamaya.

Khaliif ayaa cadeeyey in ay qorshihiisa koobaad tahay sidii gobalka Sool loogu soo celin lahaa gacanta dawladda Puntland ee ay shacabkaas wax ka dhisteen, isagoo sheegay in la dayacay dhamaan sannadyadii lasoo dhaafay oo dhan.

One Comment

  1. wiil oog says:

    ISKA HADLE WAA INA IGARE. GOBOLKA SOOL OO ANAA KA TIRSAN AMISAN OO TAAGEERSAN SOMALILAND. ANNAA DHALASHO KU TAAGEERAYA OO KU DIFAACAYA EE NINKAN KU HADAAQAYA GOBOLKA SOOL BAAN XOREEYNAYAA, WAXAAN U SHEEGAYAA GOBOLKAAS AAN LA HAYSAN CID HAYSAN KARTAANA JIRIN..WAXAA MAAMUL AHAAN KA TALISA SOMALILAND. HADDAAD DHALASHO IYO QABYAALADDII QURMUUNEYD EE MAJEERTEEN LAGU BARTEEY AAD WAX KU DONEEYSO WAXAAN KU SHEEGAYAA WAXAAD HOREBA U OGEYN OO AH GOBOLKAASU XATAA QABYAALADDA AAD WAX KU DOONEYSO KUGUMA RAACI KARO OO DEE GOBOLKAAS ISAAQ BADAN BAA DEGAN OO WAX KU LEH..IYAGANA MA DHALASHO IYO QABYAALAD BAAD PUNTLAND KU GEYNEYSAA??? HADAL RAQIIS AH, HADALKII MAJEERTEEN LAGU BARTEEY IYO MURAMA-NAAGOOLE.

Leave a Comment