DAAWO: Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada PL oo digniin adag u diray Cabdiweli Gaas.

GAROOWE(P-TIMES)- Qaar kamid ah Musharaxiinta madaxweyne-nimada Puntland u taagan doorashada dhici doona bisha ka dib ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay uga hadlayaan xaaladdaha Doorashooyinka ku wareegsan iyo digniin ay u direen Madaxweynaha hadda waqtigu kasii dhamaanayo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Musharaxiinta ayaa dalbaday in si deg deg ah loo magacaabo guddiga Xalinta Khilafaadka oo ay sheegeen in uu muhiim u yahay doorashooyinka la saadalinayo in ay dhacaan, sidaas oo kalena waxay sheegeen in guddigaas ay waajib tahay in lagala tashado Musharaxiinta.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

TOOS DAAWO

Musharaxiinta kala Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, Cabdirizaaq Cabdulaahi Janagale iyo Khaliif Ciise Mudan oo War saxaafadeed ka soo saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Kala saarrinta Xildhibaanada Puntland,sidoo kalena ka hadlaya Socdaalka Muuse Biixi ee gobolka Sool.

Posted by Sonna Media on Sunday, November 25, 2018

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.