DAAWO:Ciidamadii Liyuu Booliska ee deegaanka furimaha hore ee Gobolka Sool oo ku dhaqaaqay arin farxad galisay shacabka Iyo Nabada Beelihii…..

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Ciidamada Liyuu booliska ee dowladd deegaanka Soomaalida ayaa si weyn caawimo ugu qaybiyey dadkii ku barakacay Dharkayn geeyo kadib markii dagaal dhawaan ku dhex maray deegaanka Dhumay ee gobolka Sool beelo walaalo ah oo wada dega Koonfurta gobolka Sool.

Caawimadan ayaa waxa ay qayb ka tahay gar gaarkii uu soo diray madaxweynaha dowladd deegaanka Somalida Mustafa Muxumed Cumar oo si toos ah gacanta ugu haya hawsha maamulka ee Nabadeynta ee labada beelood.

Kornayl Shugri Jaamac Muuse iyo hogaanka nabad galyada iyo cadaalada ee gobolka Doollo Cabdilaahi Axmed Cabdi ayaa iyagu howshan maamulaya, waxaana ay sheegeen in la adkeeyey nabada isla markaasna ciidamadu ay u joogaan deegaanka kala dhex galida beelaha walaalaha iyo sidii loo xoojin lahaa jiritaanka xasiloonida deegaanka.

Wariye Abdikariin Olol – Laascaanood

Leave a Comment