DAAWO:Diyaarado daabulaya ciidamada oo ka dagay Baydhabo & Jawiga oo kacsan

BAYDHABO(P-TIMES)- Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka dagtay diyaarad khaas ah oo siday ku dhawaad 100 askari oo ah ciidamo Boolis ah.

Ciidamadan laga dajiyay garoonka giyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin ciidamo Boolis ah oo sigaar ah u tababaran ,kuwaas oo markii ay soo gaadheen Baydhabo la geeyay saldhiga Booliska Baydhabo.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo keenay ciidamadan magaalada Baydhabo oo dhawaan ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shanta Bisha soo socoto ayaa waxaa la filayaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed taas oo ay ku tartamayaan musharaxiin dhowrah, waxaana doorashadaasi ay noqon doontaa mid adag oo loolankeedu xoogan yahay.

 

Leave a Comment