DAAWO:RW Khayre oo kormeer ku sameeyey qaybo kamid ah Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra’iisal wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey waddooyinka maamulka gobolka Banaadir uu kawado hawlaha nadaafadeed, isagoona qaybo kamid ah magaalada kulamo xog waraysi ah kula soo qaatay qaar kamid ah bulshada magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Khayre kormeerkan uu ku tagay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Baandir ayaa yimid kadib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda kusoo bandhigeen in ay socdaan hawlo lagu xoojinayo nadaafadda iyo bilicda caasimada oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo caasimad bilic iyo amni leh.

Wasiirku xigeenka wasaaadda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiis ee xukumadd Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta qaran la hadlay ayaa xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso bilicda caasimada isla markaasna maamulka gobolka banaadir uu hada bilaabay hawl balaadhan oo lagu suurta galinayo.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeerkiisa inta uu ku guda jiray kulamo is xog waraysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu la qaatay dadkii ku cawaynayey wadooyinka maagalada, kuwaas oo isugu jira dhalinyaro, ganacsato iyo dadka degan.

Leave a Comment