DEG-DEG+AKHRISO: M/weyne Muuse Biixi Oo Seeftiisa Galka kala baxay, Qaar kamida Wasiiradiisiinta..

HARGEYSO(P-TIMES)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa Isku Shaandheyn iyo Magacaabis ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada iyo Hay’adaha kale ee Somaliland.

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 10 /11/2018

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

1)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

TirMagacaXilka
1Cismaan Jaamac Aadan IimaanWasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
2Deeqa Cabdi Yuusuf DhidarAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
3Faadumo Cabdillaahi Cumar DiiriyeGuddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

 

2)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

 

TirMagacaXilka
1Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo SayniskaIn laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahIn laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
3Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame  (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo SayniskaIn laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
4Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta MaaliyaddaIn laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

 

Leave a Comment