DEG-DEG+DAAWO: Ra’iisulwasaare Abiy “Itoobiya Iyo Soomaaliya waxay yeelanayaan Hal Madaxweyne”

GONDER(P-TIMES)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in Geeska Afrika ay yeelan doonaan hal madaxweyne halka ay hadda maamulaan Saddex Madaxweyne xilli uu qudbad ka jeedinayay munaasabad lagu furayay isbitaal magaalada Bahir Dar.

Xilliga uu qudbada jeedinayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Eritrea oo ka qeybgalay shir saddex geesood ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Bahir Dar.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaan cadeyn xilliga ay midoobi doonaan saddexdan dal balse waxa uu sheegay”Mustaqbalka”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay xilli uu ka hadlayay magaalada Gondor in Taariiqda Geeska Afrika ay isbedeshay.

“Hadda waxa aan u dhaqaaqeynaa wax wada qabsi goboleed taasoo lagu horumarinayo dhaqaalaha si loo xaqiijiyo in saboolnimada laga baxo.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed CabdulaahI Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalka Itoobiya.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO.

 

10 Comments

  1. Abdiweli says:

    Puntlandtimes warkaan ma idinkaa ku riyooday. Waan soo baarayaa xaqiiqada. Haday run tahay waxay xaqiijin in somalia dad ku nooleyn ee duunyo kusoo hadhay.

  2. Abdiweli says:

    Riyo ma ahan ee waa run.

    Sida kaliya ee geeska afrika hal madaxweyne ku yeelandoonto waa itobiya oo geeska africa gacanta ku dhigta. Saas ayuu Abiy u sheegayey waxmagaradka mareexaan in ay mustaqbalka dhacayso

  3. Abdiweli says:

    Nin ku digay kuma dilin

  4. Haliye says:

    Sidaan nahay wax ka liita ma jiraan.

  5. Haliye says:

    Web-page kan waxaa leh Gaas ee yaan loo qaban federalka iyo Farmaajo.
    PUNTLAND Gaas ma aha, Gaasna PUNTLAND maaha, Reer PUNTLAND dhib kuma qabaan ee waxaa cuqdad nafsi ka qaaday Gaas

  6. Wiil Gaalkacyood says:

    Beesha Marexaan asalkiisu Daarood mahaan, Somali mahaan, Marexaan waa xabashi urahaya ayaga dhan, saqajaanka Farmaajo hal magaalo barkiis duq magaalo ayaa ka yahay.

  7. Abdi says:

    Qorshaha rabi ayaa ka weyn qorshaha itoobiya, waxa dabada ka riixaya itoobiya waa reer galbeedka, sacuudiga iyo imaraatka. Wax ay naga qaadi karaan ma jirto haday awood leeyihiin cirka hasoo dumiyeen. Inagoo waramo haysana ayay waxba naga qaadi kariwaayeen. Yaan la cabsan waxa soo socda rabi uun ayaa og, waa run waana khalad in madaxweyne farmaajo waqti badan ku dhumiyo arimo aan loo baahnayn. Ogaadana waxaad shar umalaynaysid ayaa khayr inooku jiraa.

  8. Abdulqadir Tallman says:

    A. Sannadkii tegey bartamihiisii baa uu Farmaajo Itoobiya
    u saxiixay, nusa saac gudihii, afar dekadood oo
    Soomaaliya ku taal.

    B. Hadda waa kaas Farmaajo looga yeeray Itoobiya.
    Laguna soo aaddiyay joogitaankiisa Itoobiya, go’aan ah in
    Itoobiya ay sameysaneyso ciidan xooggan oo xagga
    badda ah.
    C. “Annagu waxaan nahay qaran weyn oo ka badan
    boqol malyan oo ruux. Ma jirto sabab aan u ahaan karro
    bad la’aan”. Sidaa waxaa yiri Abbaanduule-ku-xigeenka
    ciidamad qalabka sida ee Itoobiya. Hadalkan waxaa lagu
    soo beegay booqashada Farmaajo ee Itoobiya.

    D. Hadda Abiy Axmed ayaa sheegay, sida ku cad
    maqaalkan, in saddexda dal ee Somalia, Eritreeya
    iyo Itoobiya aysan mustaqbalka lahaan doonin saddex
    madaxweynayaal. Hadalkaas wuxu kaga dhawaaqay
    shirka Bahar Dar ee hadda u socda saddexda dal:
    http://puntlandi.com/?p=11069.

    Haddii aan laga horjoogsan, Farmaajo dalkan wuu iibinayaa si’ uu u bisleysto xoogaa sandareerto ah oo uu la cararo, kulana noqdo Mareykanka iyo marqaankiisaa inta ka harsan cimrigiisa.

    Farmaajo waxaa u daran xoogaa faroqabsi ah oo uu ku marqaamo intuu nool yahay. Inan-la yaalkan miyirka ka xanuunsan oo lagu sheegay inuu malaha yahay ‘autistic’, maba leh han kale oo intaas dhaafsiisan.

    WAXA XIGI DOONA TAXANAHAN LAGA HAGAYO ADDIS ABEBA AYAAN LA WELWELSANAHAY.

    ALLOW DALKAN BADBAADI OO HA NAGU HALLEYN LABA-MIIRRE FARMAAJO -THE MEDIOCRE AUTISTIC PRESIDENT.

  9. Abdiweli says:

    Waa Alle mahadiis in umada somaaliyeed ay waayahaan dambe yareysanahayn ama yasahayn digniinaha shisheeyey iyo daruurah madow oo dul hoganaya

Leave a Comment